Saciid
Cali Muuse oo fadhiya mid ka mid ah Garomadii ka socday
Cayaarihii Afrika ee dhawaan la soo gabagabeeyay
Wariyaha
Idaacadda BBC da Laanta Afka Soomaaliga Saciid Cali Muuse,
waxaa waaye Wariye caan ah oo ku baaxay tabinta Barnaamijada
kala duwan ee Idaacadda BBC da, isagoo ay u dheer tahay
howshaas tabinta Cayaaraha Kubadda Cagta, wuxuu muujiyay
kartadiisa tabinta Cayaaraha nooc walba ha noqdeen.
Saciid,
waxaa uu ku wanaagsan yahay, Wareysiyada, Fasiraada nin
Madaxweyne loo doortay Codkiisa, Warbixinada cayaaraha
waa nin inta badan soo jeeta qofka dhageysanaya codkiisa,
ma aha ninkan nin Sahlan, waxaa la dhihi karaa 60 Sano
aynu soo dhaafnay Saciid inuu yahay Wariyaha ugu wanaagsan
tabinta Cayaaraha marka laga hadlayo Wariyaasha Soomaalida.
Saciid
Cali Muuse sanadkii tagay iyo Sanadkii 2006 da ee Cayaarihii
ka dhacay dalka Masar waxaa uu si toos ah Idaacadda BBC
da ugu soo tabinayay xadba Cayaarta meesha ay mareyso,
Sanadkii 1998-dii Cayaarihii Affrika ee ka dhacay Burkiino
Faazo Saciid kaalin weyn ayuu ka qaatay.



Sawirada
waxaan ka soo qaadanay Idaacadda BBC da
Nuradiin
Macalin Mukhtaar
telefon
-002521-5520200
nuradiin007@hotmail.com